Episode's summary
Nidaamka federaalka Soomaaliya weli si buuxda uma keenin daadejin awoodeed, ka qayb-gal muwaaddin oo macno leh iyo isla xisaabtan heerarka kala duwan ee dowladda. Dawladaha hoose ayaa ah heerka dowladda ee ugu dhow muwaadiniinta, isla markaana ugu habboon inay wax ka qabtaan baahiyaha iyo adeegyada maxalliga ah. Sidaas darteed, xoojinta dawladaha hoose waxay muhiim u tahay in maamulka iyo adeegyada loo soo dhaweeyo bulshada. Qeybta 83-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge iyo Farhan Isak...
Nidaamka federaalka Soomaaliya weli si buuxda uma keenin daadejin awoodeed, ka qayb-gal muwaaddin oo macno leh iyo isla xisaabtan heerarka kala duwan ee dowladda. Dawladaha hoose ayaa ah heerka dowladda ee ugu dhow muwaadiniinta, isla markaana ugu habboon inay wax ka qabtaan baahiyaha iyo adeegyada maxalliga ah. Sidaas darteed, xoojinta dawladaha hoose waxay muhiim u tahay in maamulka iyo adeegyada loo soo dhaweeyo bulshada. Qeybta 83-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge iyo Farhan Isak...
Episodes
Xiriirka Muwaadiniinta iyo Dowladaha Hoose
ListenedNidaamka federaalka Soomaaliya weli si buuxda uma keenin daadejin awoodeed, ka qayb-gal muwaaddin oo macno leh iyo isla xisaabtan heerarka kala duwan ee dowladda. Dawladaha hoose ayaa ah heerka dowladda ee ugu dhow muwaadiniinta, isla markaana ugu habboon inay wax ka qabtaan baahiyaha iyo adeegyada maxalliga ah. Sidaas darteed, xoojinta dawladaha hoose waxay muhiim u tahay in maamulka iyo adeegyada loo soo dhaweeyo bulshada. Qeybta 83-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge iyo Farhan Isak...
Dowlad-dhiska, Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya: Caqabadaha iyo Fursadaha
ListenedTan iyo burburkii dowladdii dhexe, Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye oo wejiyo kala duwan leh. Kaddib dadaallo badan oo dib-u-heshiisiin ah, waxaa Jamhuuriyadda Saddexaad lagu dhisay shirkii nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Rubuc qarni kaddib shirkaas, caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee Soomaaliya weli ma helin xal waara. Qaybta 82-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuu...
Dowlad-dhiska, Nidaamka Federaalka iyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland
ListenedGeeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa afartii sanaba mar gala marxalad doorasho oo xasaasi ah, taas oo u baahan in si miir-qab iyo masuuliyad leh loo maareeyo. Puntland, oo ah dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka dhismay, ayaa saddexdii muddo-xileed ee ugu dambeeyay soo bandhigtay tabashooyin la xiriira hannaanka loo marayo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya. Qaybta 81-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Cabdi Faarax Saciid (Juxa), oo ah wasiirkii h...
Sida Baarlamaanku u Shaqeeyo & Sida Doorashadu u Soo Saari Karto Xildhibaanno Tayo Leh
ListenedWaxaa socda dadaallo looga heshiinayo nooca doorasho ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee xiga. Waxaa jira saluug ah in doorashooyinkii dadbanaa ee hore aanay soo saarin xildhibaanno leh tayadii laga filayay. Su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay: sidee ayay noocyada doorasho ee laga wada hadlayo u abuuri karaan fursad lagu helo xildhibaanno leh tayada laga filayo? Calinuur Boodaaye waxa uu kamid ahaa baarlamaankii 9-aad. Waxa uu qiimeyn iyo gorfeyn ku sameeyay baarlamaankii uu ka tirsanaa....
Gorfeyn: Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2026
ListenedMiisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2026, oo uu Baarlamaanka Federaalka ansixiyay dhammaadkii 2025, ayaa gaareysa $1.39 bilyan. Inkastoo hiigsigu weli yahay “ku tiirsanaanta awooddeena dakhli”, 65% miisaaniyadda waxaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha, kuwaas oo ku bixinaya taageero mashaariic iyo kabka miisaaniyadda. Dakhliga gudaha ee la filayo ayaa ah 35%. Qeybta 79-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge iyo Farhia Mohamud, oo ah cilmibaare ka tirsan Somali Public...